Sawirro: Ciidanka Puntland oo weli wada howlgallo ka dhan ah Argagixisada

Ciidamada kala-duwan ee Dowladda Puntland oo kala ah Madaxyooyada, Daraawiish, PSF ,PMPF, iyo ciidamada kale ee Amniga ayaa maalintii labaad ku gudajira howlgallo ka dhan ah Argagixisada, kaddib Weerarkii lagu qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, waxaana lagu wadaa inuu sii socda maalmaha soo socda, si loo soo afjaro kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya Buuraleyda Cal-madow iyo Cal-miskaad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo isaga oo ku labisan dareeska Ciidanka maanta Saxaafadda kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in Ciidanku ay guulo ka gaareen Argagixisada, ayna dileen inta badan kooxdii weerartay xabsiga weyn ee Boosaaso, sidoo kalena qaar kale kasoo qabteen, waxaana uu ku dhawaaqay in howlgalada ay sii socon doonaan illaa laga soo afjarayo Argagixisada ku dhuumaaleysanaysa Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.