Hot Topics

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo ka hadlay xaalada Gobalka Gedo (VIDEO)

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, waxaana loo sameeyey soo dhoweyn diirran.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Jubbland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii kusoo dhoweysay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo, sidoo kale madaxweynaha waxa uu ka hadlay xaalada cakiran ee siyaasadda Soomaaliya , abaaraha ka jira deegaanada hoos yimaada Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo.