Hot Topics

Ciidanka Amniga Puntland oo howlgallo ka wada Boosaaso

Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo ka wada xaafadaha Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kuwaas oo lagu qabqabanayo Dadka la xariirinayo falalka Ammaan-darro ee ka dhacay Boosaaso.

Ciidanka ayaa Howlgaladooda ku xiray dad fara badan oo lala xariirinayo kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana ku socda baaritaan, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo shalay la hadlay Saxaafadda ayaa ugu baaqay Shacabka magaalada Boosaaso inay la shaqeeyaan Ciidanka Amniga ee howlgalada ka sameynaya gudaha magaalada Boosaaso.