Hot Topics

Ciidammo ka socday Villa Somalia oo loo diiday inay u gudbaan Xerada Afisyooni

Ciidamo ka socda Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa loo diiday inay galaan Xerada Xalane, kaddib markii Ciidanka AMISOM ay ka cesheen afaafka hore ee Xerada.

Ciidanka oo la sheegay inuu soo diray Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa la sheegay in la doonayay inay qeyb ka qaataan sugida Amniga Teendhada Afisyooni, oo lagu qabanayo Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo go’aan looga gaari doono Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Taliska Ciidanka AMISOM ayaa ku wargaliyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya in Ammaanka Guud ee Teendhada ay iyagu sugi doonaan, balse Madaxda ka qeybgalaysa Shirka loo ogol yahay ilaaladooda, taas oo waji gabax ku noqotay Madaxtooyada, waxaana dib isaga laabtay Ciidanka Dowladda.

Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni ayaa waxaa garwadeen ka ah Qaramada Midoobay, UK iyo Mareykanka, waxaana Madaxda Soomaaliida ku dhexmari doona doodo adag oo ku saabsan xaalada Dalka iyo cida hoggaaminaysa Doorashooyinka, maadama uu dhamaaday muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Hay’adaha Dastuuriga ah.

Idilnews