Hot Topics

Qaxooti cusub oo Yemeniyiin ah oo soo gaaray Magaalada Boosaaso (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa soo dhaweeysay Qaxooti Yemeniyiin ah iyo Soomaali kasoo laabtay Dalka Yemen, kuwaas oo Doonni siday ay maanta kusoo xiratay Dekedda magaalada Boosaaso.

Qaxootigan oo ah 75 Qoys ayaa kasoo cararay dagaallada daba-dheeraday ee waddanka Yemen ka jira.

Doontan Qaxootiga siday ayaa noqonaysa tii labaad oo todobaadkan soo gaarta Dekedda magaalada Boosaaso, Waaxda Arrimaha Qaxootiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaana qaabishay dadkan oo dib u dajin loo sameyn doono.