Hot Topics

Xildhibaan Maxamed Boonow oo geeryooday

Allah u naxariistee, waxaa saaka magaalada Baydhabo ku geeriyooday xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha Shacabka, sida ay xaqiijiyeen ehelada xildhibaanka.

Xildhibaanka Maxamuud Boonow waxaa uu sidoo kale ahaa Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

AUN Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow ayaa katirsanaa Golaha Shacabka BJFS ka tan iyo 2012, waxaa uu Wasiir kasoo noqday Dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Allah u naxariitee, Eng. Maxamed Maxamauud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed.