Hot Topics

Shirkadda YouTube oo canshuuri doonta Dadka Youtubers-ka ah

Shirkadda YouTube ayaa qoraal ay soo saartay xalay waxay ku sheegtay in dadka YouTubers-ka ah ee aan degeneyn Mareykanka in laga billaabo bisha June ee sanadkan 2021 – laga goyn doono canshuur Mareykan ah.

Waxay sheegeen in toddobaadyada soo socda la weydiin doono in qof kasta uu xogtiisa canshuurta ku soo gudbiyo AdSense si loo go’aamiyo inta ka go’i doonta.

Waxaa canshuurta looga goyn doonaa lacagta YouTubers-ka ay ka sameeyaan dadka ka daawada Mareykanka gudihiisa.

Haddii qofka YouTuber-ka ah aanu gudbin macluumaadkiisa canshuurta ilaa 31 May 2021, shirkadda Google waxay sheegtay inay ku qasbanaan doonto, inay ka jari doonto 24% lacagta guud ee qofku ka sameeyo YouTube.