Hot Topics

XOG: Deni oo xilalka ka qaaday Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Bari iyo xubo kale

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uu isbedel ku sameeyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada, Maamulka Gobalka Bari iyo Hay’adaha Amniga, sida ay ogaatay Idil News.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu xilka ka qaado Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, isagoona u magacaabi doona Gallan Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Bari.

Sidoo kale, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali, ayaa xilka laga qaadi doonaa, waxaana lagu badali doonaa G/Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusu oo ahaa Taliyihii hore ee Madaxtooyadda Puntland.

Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa magacaabi doona xubno cusub kamid noqonaya Golihiisa Wasiirada, waxaana kasoo muuqan doona Shire Xaaji Faarax oo horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta Puntland, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo-wareedyo rasmi ah.