Hot Topics

XOG: Al-Shabaab oo dishay maxaabiis ay kala baxday xabsiga Boosaaso

Kooxda Al-Shabaab ayaa dishay xubno kamid ah Ururka Daacish oo kamid ahaa maxaabiistii Al-Shabaab kala baxday xabsiga magaalada Boosaaso oo dhowaan ay ku qaaday weerar, sida ay sheegayaan saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland.

Xubnaha Daacish ee ay toogatay Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Labo Nin oo lagu kala magacaabo Ina Toojle iyo Ina Khuurshe, kuwaas oo ahaa saraakiil sare oo katirsanaa Daacish.