Shacabka Reer Puntland oo u dareeraya Doorashada qof iyo cod ah (VIDEO)

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, oo xalay marti ku ahaa barta Xiriirka Bulshada ee loo yaqaan Club House, ayaa ka warbixiyay Arrimaha Guddiga uga qabsoomay diyaarinta Hannaanka Xisbiyada badan.

Guuleed Saalax ayaa sheegay in Guddigu diyaariyay dhammaan Habraacyada iyo xeerarka ku saabsan hirgelinta Barnaamijka xisbiyada badan, si loo qabto doorashooyin ku salaysan Hannaanka qof iyo cod, islamarkaana looga gudbo Nidaamka Qabaliga ah.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay doorashooyin hordhac ah oo bartamaha sannadkan laga qaban doono saddex degmo oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo tijaabo u noqon doona Hirgelinta Doorashooyinka qof iyo cod.