Hot Topics

Ciidanka AMISOM oo Madaxweynayaashii hore ka hor istaagey Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Ciidamada AMISOM ayaa isku dayay in garoonka diyaaradaha u diidaan madaxdii hore ee dalka iyo qaar kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha, kadib markii ay ku amreen in aysan geli karin iyagoo ilaalo wato.

Madaxdii hore ee dalka ayaa damacsanaa ka qeybgalka soo dhaweynta iyo aaska Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo goordhow laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde.

Muddo ka badan saacad ayaa waxaa socday dood iyo taag taag ciidan. AMISOM waxay sheegtay in amarkaan uu ka soo baxay madaxda dowladda ee muddo xileedka ka dhaamaday, waxaana maanta halis loo galay in garoonka dagaal ka dhaco, taas oo ugu dambeyn sababtay in mucaaradka loo ogolaado in ciidankooda la galaan.