Hot Topics

LIVE: Meydka Madaxweyne Cali Mahdi oo laga soo dejiyay Muqdisho

Alle ha u naxariistee Meydka AUN Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed, ayaa goor-dhaweyd laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Madaxda DFS ee muddo-xileedkeedu dhamaaday, Madaxweynayaashii hore ee Dalka, Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya Salaada janaasada ah oo goor-dhaw lagu tukanayo Marxuumka.