Hot Topics

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Doorashadii Puntland ka dhacday oo kale baan rabnaa inay Soomaaliya ka dhacdo” (VIDEO)

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo barta Clubhouse kula hadlayay Kumanaan Shacab ah ayaa ku dheeraday marxalada Dalka, sida Amniga, Doorashooyinka, iyo Dhaqaalaha, qorshihiisa Siyaasadeed ee ku aadan haduu Hogganka Dalka uu ku guuleysto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo su’aalo furan lagu weydiiyay kulanka ayaa ku dheeraday Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo Is-aaminka Siyaasiyiintu halka uu marayo, waxaana uu sheegay inay rabaa in Dalka ay ka dhacdo Doorashadii Puntland oo kale, si daah-furan loo tartamo.

“Doorashadii Puntland ka dhacday oo kale baan rabnaa inay Soomaaliya ka dhacdo, ma oranayo 100% way saxnayd ee waxay ahayd doorasho si xor ah loo wada tartamayey oo qofka soo baxaya aan la sii aqoon, qaab kaas oo kale baana rabnaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.