Hot Topics

Dowladda UK oo ku baaqday Doorasho wadar-ogol ah oo Soomaaliya ka dhacda

Safiirka cusub ee dowladda UK  u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster ayaa kulan la qaadatay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta, waxaana ay kala hadashay Arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa.

Safiirka Cusub ee Dowladda UK, u fadhida Soomaaliya Kate Foster,ayaa sheegtay in kulan wax ku ool ah ay la qaadatay midowga Musharixiinta ayna ku faraxsan tahay in labada dhinac ay is maqlaan.

Safiirka  Waxa ay sheegtay in Dowladda UK, ay maqlayso dhamaan aragtida Musharaxiinta si loo helo doorasho loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhammaan saamileyda Siyaasadeed.

UK, Waxa ay ku boorisay dhinacyada in ay sii wadaan wada hadalada si loo helo doorasho lagu kalsoonyahay.

Khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa wali xal buuxa laga gaarin, waxaana lagu waddaa in todobaadkaan Muqdisho ka dhaco kulan u dhaxeeya Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda waqtigeedu dhamaaday waxaana shirkaasi hoggaaminaysa beesha Calaamka.