Hot Topics

Afghanistan: 8 Ruux oo ku geeryootay Qarax loo adeegsaday Gaari

Ugu yaraan 8 Ruux ayaa lagu dilay, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay meel u dhow saldhig booliis oo ku yaal galbeedka gobolka Herat ee Afghanista.

Afhayeenka isbitaalka gobolka, Rafiq Sherzai, ayaa sheegay in tirada dhimashada ee qaraxii Jimcaha la filayo inay kororto, sababo la xariira in qaar kamid ah dadka dhaawacmay ayaa xaalad halis ah ku jira.