Hot Topics

Maxay ka wada-hadleen Guddoomiye Xaashi iyo Safiirka UK ? (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Guddoomiyaha iyo safiirka waxay ka wada hadleen xaaladda Guud ee Dalku marayo iyo sida xal looga gaari lahaa arrimaha ku hor gudban doorashooyinka la filayo in dhowaan ay dalka ka qabsoomaan.