Hot Topics

MUDANE FARMAJO IYO DHAAWACII FEBRUARY 19, 2021! W/Q: Prof Xasan Sheekh

Madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmajo ayaa waxaa soo gaaray dhaawac siyaasadeed kii ugu xumaa.

Mudane Farmajo wuxuu lumiyay kalsoonidii siyaasada ee ka dhexeeysay waxgaradka Soomaaliyeed.

Mudane Farmajo wuxuu banaanka soo dhigay shakhsiga dhabta ah ee uu yahay:
Mudane Farmajo ma ahan nin wax xeeriya, Mudane Farmajo ma ahan nin fahamsan dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, Mudane Farmajo kalama yaqaano xuduuda u dhexeeysa nabada iyo colaada.

Mudane Farmajo colaada waa hurin yaqaan, laakiin ma yaqaano sida nabada loo sameeyo.

Tusaale ahaan:
SU’AAL
Ayaa ii sheegi kara tirada Ciidan iyo hubkii aay siteen Ciidamadii Puntland ee la socday Madaxweyne Cabdi-Wali Gaas?
Maalmihii uu Xamar u Imaam jiray in Madaxda Dowlada Dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadu ka wada hadlaan doorashadii 2016/2017kii?

Hadii shalayto (2016/2017), hadii Madaxda Dowlad Goboleedyadu la imaan jireen ciidan kooban oo diyaarada sida la saaran, maxay-tahay Sababta aay hada 2021-ka Madaxda Dowlad Goboleedyada uga soo hormarayaan GUUTOOTIN ku hubaysan PKM iyo RPG?

Cabsida ka jirta Xamar ayaa abuuray?

Soomaaliyey hal arin ha la iga qoro:

“Politics is trust”

Siyaasadu waa sida guurka oo kale, xaas aad naftaada uga baqayso hal sariir lama wadaagi kartid.

Sidaas oo kale gabadhu lama seexan karto hal qol nin aay nafteeda uga baqeeyso.

Sidaas darteed, siyaasada Soomaaliya waxay u baahan-tahay in dib loogu soo celiyo xeeyndaabka isku kalsoonida.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmajo waxaa dhaawac weyn u geystay ficilkiisii FULAYNIMADA ahaa ee February 19, 2021.

He failed to assess properly the threats associated with the demonstration on February 19, 2021 compare to its political impacts.

Soomaaliya Guul: Aamiin

Professor Hassan Sheikh Ali