Hot Topics

Maxaa kasoo baxay kulan xalay dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Isimada Puntland ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xalay kulan kula yeeshay Madaxtooyada magaalada Boosaaso Qaar kamid ah Isimada Puntland, oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Is waraysi ka dib Madaxweyne Deni,ayaa u sheegay Isimadaas in uu isbedel ku samaynayo Gobolada Gardafuu,Bari,karkaar, iyo Sanaag, sidoo kale hay’adaha Sirdoonka iyo Asluubta.

Madaxweyne Deni Isimada wuxuu ka codsaday in ay gacan siiyaan.

isimaadaasi waxay kala hadleen Amniga Bosaso,Dekada Bosaso sababta loo dhisi waayey iyo arimo ku saabsan Midnimada Soomaaliya.

Jibril Qoobey.