Hot Topics

Tallaalka cudurka COVID-19 oo maanta la keenay Puntland (VIDEO)

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland qeybtii koowaad ee tallaalka cudurka COVID-19, kana timid xarunta COVAX, oo ay gacanweyn ka geysatay Hay’adda GAVI, iyadoo dajintiisa ay qeyb weyn ka qaateen hay’adaha UN ta Ee WHO iyo UNICEF.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jamac Farax Xasan, ayaa Tallaalka kala wareegay Hay’addaha WHO Iyo UNICEF kala wareegay talaalka, isagoona ka warbixiyay talaalka inta uu ka koobanyahay iyo dadka la siin doono.

“Farxad weyn ayay noo tahay ka wasiir ahaan iyo ka wasaraadda caafimaadka ahaan maanta inaan la wareegno wajigii koowaad ee talaalka Covid 19 oo dhan 40,000 oo xabo kaas oo aan doonayno inaan ka bilawno Puntland todobaad gudihii, talaalka ayaan hada gayn doonaa qaybta qaboojinta ee wasaaradda, waxaana uqaban doonaa kulan daahfur ah xiliga la bilaabayo iyo dakda ugu horeeya ee la siin doono Insha allah” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr Jamac Farax Xasan.

Talaalka Puntland maanta la keenay ayaa ka kooban 40,000 dose waxaana loo samayn doonaa xaflada lagu daahfurayo.