Hot Topics

Wasiir hore Canshuur “Madasha Badbaado Qaran waxa ay timid waqtigii loo baahnaa”

Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta XFS Eng. Cabdi Cashuur Xasan, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa soo dhaweeyay Madasha Badbaado Qaran oo shalay laga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Madashan Aas-aaskeedu uu kusoo beegmay waqtigii loo baahnaa, isagoona ugu baaqay Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay taageeraan si looga baaqsado inuu dalku dib u laabto.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiir hore Eng. Cabdi Cashuur Xasan.

Soomaaliyeey maanta ayey talo nala gudboontahay.

Markii ay ummaddii Soomaaliyeed rajo xumo iyo niyadjab la soo gudboonaatay, Caalamkiina naga niyad jabay halisna ugu jirno in markale dhabar na loo jeediyo, taladii dalka dadkii loo igmaday ay dayaceen.

Madasha Badbaado Qaran waxa ay timid waqtigii loo baahnaa shacab iyo siyaasiyiinba waxaa la gudboon in ay taageeraan.Madasha Badbaado Qaran wuxuu dalka ka badbaadinayaa in aanan lagu qasbanaan laba daran mid dooro ( Kaligii-talis ama dagaal sokeeye).

Taageer Madasha Badbaado Qaran si aad naftaada, dadkaada, sharaftaada iyo qaranimadaada u badbaadiso. Dalka dib-u-heshiisiin iyo doorasho xor, xalaal ah, loo wada dhan yahay ayuu u baahan yahay.Soomaaliyeey ceelna kuuma qodno cidina kuuma maqno.

Dhamaanteen aan u wada istaagno badbaado qaran iyo xal u raadinta siyaasadda cakiran ee dalkeenna marxaladan xasaasiga ah ee dalkeena ay haystaan cuduro, gaajo iyo abaarro.

Idilnews