Hot Topics

Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland oo ku dhawaaqay dagaal culus (VIDEO)

Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sheegay inay xoojinayaan dagaalka ay Puntland kula jirro kooxaha Argagixisada ah, loona baahan yahay inay Ciidammadu meel walba oo ay joogaa u diyaar-garoobaan.

Gen. Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Puntland oo tababar loogu soo xiray dugsiga Gen. Giriin ee magaalada Badhan ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Argagixisada laga sifeyn lahaa Buuraleyda Puntland ee ay ku dhuumaaleysanayaan.