Hot Topics

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo laga helay COVID-19

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay Xannuunka Covid-19 sida uu isaga qudhiisa ku xaqiijiyay bartiisa Twitter-ka oo uu soo dhigay qoraal uu dadka ugu sheegayo in uu haleelay fayruska.

Imran ayaa soo daliilsaday Aayad qur’aan, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu caafimaad degdeg ah helo, Dadka ayuu ugu baaqay in ay is dejiyaan isla markaana qadarka alle uusan dhinacna uga gudbeen.

وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ°
And when I am ill, it is He Who cures me.
(Qur’an 26:80)

Prime Minister Imran Khan has tested positive for Covid-19 and is self isolating at home.

— Prime Minister’s Office, Pakistan (@PakPMO) March 20, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ah 68-sano jir ayaa sheegay in uu galay karaantiil muddada qofka cudurka laga helay loogu talagalay in uu ka gaar noqdo bulshada inteeda kale si uusan ugu gudbin Covid-19.

Sheekada layaabka leh ayaa ah in Imran Khan uu todobaadkii tagay qaatay Tallaalka Xannuunka kahortagga Covid-19 gaar ahaan mid lagu sameeyay Dalka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha oo Dowladdiisa loogu talagalay.

Ciyaaryahankii hore ee Pakistan ayaa dadka qaatay Tallaalka u laab-qaboojiyay maadaama isaga oo qaatay uu u dusay xannuunka si aysan ugu kalsooni bixin shacabka ku dhiiranayay markii ay arkeen isaga oo is duraya.