Hot Topics

Ciidanka Puntland oo loo daabulay Buuraleyda Calmadow (Sawirro)

Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Puntland oo dhowaan tababar loogu soo xiray dugsiga Gen. Giriin ee Degmada Badhan ayaa maanta loo daabulay Buuraleyda Calmadow, iyagoo ku biiri doono howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.

Ciidanka oo lagu magacaabo Guutada Libside ayaa gaaraya illaa 500 Askari oo si aad ah u hubeysan, waxaana ay Saldhigyo ka sameysanayaan dhulka buuraha, halkaas oo ay ka qaadi doonaan howlgalada lagu baacsanayo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Idilnews