Hot Topics

Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday oo maanta yeelanaya kulan shaki abuuray

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan kulan, sida lagu sheegay fariin wargalin ah oo loo diray Xildhibaanada.

Fariinta Xildhibaanada ayaa lagu xusay in Kulanka looga hadli doono Arrimaha cudurka COVID-19, iyadoona laga codsaday mudanayaasha inay kulanka soo xaadiraan.

Kulanka ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay in Baarlamaanka ay muddo kordhin u sameyn doonaan, Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS iyo Xukuumadda xil-gaarsiinta ah, waxaana jira digniino laga soo saaray talaabooyinkaas.