Hot Topics

Madaxtooyadda Puntland oo ka hadashay dagaalka deegaanka Shidan

Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday Somaliland in aysan sii hurin colaada dhaxaysa laba beelood oo muddooyinkan ku dagaallamaya deegaanka Shidan ee woqooyiya gobolka Sanaag.

Af-hayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Deperani, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidoo kale ugu baaqay beelaha dagaalamaya in ay colaadda joojiyaan, odayaasha dhaqankana u daayaan xal u helidda khilaafka.

“Somaliland waxaan ugu baaqeynaa in aysan sii hurin colaada beelaha dirirtu ku dhexmartay deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag, Dadka deegaankana nabad baan ugu baaqeyna iyo inay dagaalka joojiyaan, howshana ha loo daayo Odeyaasha dhaqanka ee hore ugu jiray.” ayaa lagu yiri Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland

Deegaanka Shidan ee waqooyiga Gobalka Sanaag ayaa waxaa ka taagan colaad u dhexeysa beelo kasoo kala jeeda Puntland iyo Somaliland, waxaana horey loogu eedeeyay Ciidanka Somaliland inay ka qeyb-qaateen Colaada.