Shirkii Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo lagu kala kacay

Shir u dhexeeyay maalmihii lasoo dhaafay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu kala kacay xalay, kaddib markii la isku mari waayay qodobada qaar.

Arrimaha sababay fashilka kulanka ayaa waxaa kamid ah in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu wareejiyo Maamulka Shirka, islamarkaana uu ku wareejiyo Raiisul Wasaare Rooble, iyadoo ay Beesha Caalamku goobjoog ka tahay.

Shirka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa 4 maalmood ka socday Hotelka Airport ee magaalada Muqdisho, Wararka ayaana sheegaya in sababaha fashiliyay kulanka ay qeyb ka ahaayeen in Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Idilnews