Hot Topics

XOG: Farmaajo iyo Safiirada Beesha Caalamka oo kulmay, iyo digniin cusub

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Wakiillada Beesha Caalamka ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn, kaas oo dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Safiirada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, UK, iyo Jarmalka ayaa diirada lagu saaray xaalada cakiran ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka.

Safiirada Beesha Caalamka ayaa Farmaajo u gudbiyay fariin adag oo kama dambeys ah, iyagoo uga digay inuu sii carqaladeeyo Doorashooyinka iyo damiciisa ku aadan in muddo kordhin ay u sameeyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday.

Farmaajo ayaa kulanka intii uu socday la wadaagay Wakiillada Beesha Caalamka in uusan jirin carqaladeyn uu ku hayo doorashada, balse Safiirada ayaa la wadaagay cadeymo muujinaya inuu yahay cida ay ka dhaqaaqi la dahay hirgalinta heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii September.

Idilnews