Hot Topics

Ganacsato Ajnabi ah oo ku wajahan Deegaanka Garacad

Wafti isugu jira xubno kamid ah Dowladda Puntland iyo Ganacsato u dhalatay dalalka Kuwait iyo Jabuuti ayaa ku wajahan berri Deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug, oo uu ka socda dhismaha Deked isku-tashi ah.

Waftiga ka amba-bixi doona Magaalada Garoowe ayaa booqan doono dhismaha Dekedda oo meel gaba-gabo ah maraya, lana filo in bilaha soo socda ay shaqo bilowdo.

Dhanka kale, Puntland ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in Garacad laga celiyay maalgashato la socota Dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo ku eedeysay faafinta wararka DFS oo muddooyinkii u dambeeyay Lacago fara-badan ku bixinaysay khalkhal-galinta Amniga iyo Hormarka Puntland.

Idilnews