Madaxweyne Deni oo la kulmay Safiirka Jabuuti (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Madaxweynaha iyo Danjire Aadan Waxay ka wada hadleen guud ahaan xaaladda dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashada.