Cumar Cabdirashiid oo ka digay heshiis difaac oo dhexmaray Farmaajo, Abiy iyo Afawerki

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa ka digay qorshe uu wado Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, kaas oo ah inuu heshiis difaac la saxiixdo Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in heshiis difaac oo lala galo dalalka Itoobiya iyo Eritrea uu halis ku yahay dalkeena Soomaaliya, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay talaabadaas ay il gaar ah ku eegaan.

“Heshiis Difaac oo lagu xamanayo in uu udhexeeya Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa noqon kara arrin khatar keeni karta oo fiiro gaar ah mudan, haddii DFS ee wakhtigeedu idlaaday, isku daydo in ay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Addis Ababa, waxay noqonaysaa arin walaac daran abuuri karta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo Labo jeer Ra’iisul Wasaare ka noqday Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaan Siyaasi si weyn u dhuuxa siyaasadda dunida, gaar ahaan tan Africa, isagoona Soomaaliya u soo jiiday indhaha Beesha Caalamka.