Hot Topics

Axmed Madoobe oo ka hadlay geerida Ganacsade Xaaji Yaasiin

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, Ree Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Yasiin Jaamac, oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xaaji Yasiin Jaamac uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland iyo sidoo kale qaar kamid ah Hay’adaha ilaa maanta shaqeeya sida Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland JCCI oo muruq iyo maalba uu u huray sidii dadka Ree Jubaland ay uga faa’iidaysan lahayeen isagoo ahaa Gudoomiyahii ugu horeeyay ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland JCCI.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Yasiin Jaamac wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin lahaa Midnimada iyo is jacaylka Buslahada waxaana uu intii uu ahaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland kasoo shaqeeyay shirar muhiim ahaa oo lagu heshiisinayay Bulshada ayuu yiri Madaxweynahu”.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, Bulshada Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.