Hot Topics

Puntland oo deegaanadeeda ka joojisay Shirkadda diyaaradaha Premiem

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa ka joojisay duulimaadyada deegaanada Puntland Shirkadda diyaaradaha Premiem, taas oo dhowaan diiday in ganacsato maal-gashi dooneysay ay geyso deegaanka Garacad oo uu ka socda dhismaha deked caalami ah.

Wasaaradda Duulista Hawada Puntland ayaa ku eedeysay Shirkadda diyaaradaha Premiem, inay ku xadgudubtay sharciga duulimaadyada Puntland.