Hot Topics

Golaha Ammaanka QM oo cunaqabateyn ugu hanjabay Madaxda Soomaalida (VIDEO)

Laba xubnood oo kamid ah Shanta dowladood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku leh codka qaxayan ayaa farrin loogu hanjabayo Madaxda dowladda Soomaaliya & dowlad Goboleedyada soo gaarsiiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa la sheegay in ay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah Maxamed  Xuseen Rooble soo gaarsiiyeen inay cunaqabateyn saari doonaan cidii tanaasul iyo dabacsanaan la xiriirta doorashada la imaan weyda.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen dhawaan waxaa Warbixino la xiriira khilafka doorashada Somaaliya waxaa u gudbiyay Wakiilada Beesha Caalamka, taas oo aheyd inay gacanta ka taageen xalka garista khilaafka doorashada Soomaaliya.

Warar todobaadkii hore soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay cadaadis la xiriira inay kulmaan saartay Maaxdweynaha muddo-xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

Labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa kulan aan wax horumar ah laga gaarin uu Teendhada Afisiyooni uga qabsoomay Madaxda dowladda Federaalka ee waqtigoodu dhamaaday, iyo dowlad Goboleedyada.