Hot Topics

Xasan Sheekh “Farmaajo wuxuu qeyb ka jartay gunadii la siin jiray Madaxdii hore” (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu jartay qeyb kamid ah lacagtii billaha ee madaxdii hore loogu talo galay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay KNN ayaa yiri “Gunnadii nala siin jiray ee loogu talo galay Madaxweynayaal hore ayuu qeyb jartay Farmaajo”.

Daawo Wareysiga Xasan Sheekh Maxamuud oo dhameystiran.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray “48 maalin uu Xamar joogay inta uusan Madaxweynaha noqon Anigaa bixinayay gunnada Ciidanka ilaalinayay iyo shidaalka gawaarida lagu ilaalinayay, madaama uu ahaa Ra’iisul Wasaare hore”