Hot Topics

Shir lagu dhameystirayo heshiiska beelo ku diraray Isku-shuban oo lagu qabtay Qardho (VIDEO)

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Demoqradiyeynta Dowladda Puntland ayaa ayaa manta magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ku qabatay shirweyne dibu-shiin ah oo lagu soo gunaandayo dirirtii dhexmartay laba ka mid ah beelaha dega degmada Iskushuban, ee gobolka Bari.

Shirka ayaa waxa uu socon doonaa ila 13 bisha April, waxaa ka soo qaybgalay Guddiga ku hawlanaa Nabaddaynta iyo dibu-heshiisiinta iyo ka hortaga xasaradda ammaanka ka dhanka ah, Waxaa hogaaminyey Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Guddah Mohamed Ahmed Kulan, Agaasimaha Guud Mohamed Ali Nur Jubba, Agaasimaha Waaxda Nabadeynta iyo dibu-heshiisiinta, Gudoonka gobolka karkaar, iyo gudoonka demgada qardho.

Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay gudi ka kooban guurtida labada beelood ee Muuse Saleebaan iyo Osmaan mohamuud oo dirir ku dhexmartay degmada isku shuban horraantiii bishii labaad ee Sanadkaan.