Hot Topics

Puntland oo DF Soomaaliya ku wareejisay 14 maxaabiis ah (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa maanta 14- maxaabiis Burcad badeed ah ku wareejisey Dowladda Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku jirey xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe.

Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ku eedeysnayd ayaa ku xirnaa heshiis is afgarad ah oo dhex maray Seychelles & Puntland, Bishii Maarso 15, 2011, inta u hartay xabsigooda ayey ku dhameysan doonan xabsiyada kuyaal Magaalada Muqdisho, Waxaana wareejintooda goob-joog ahaa Wasiiradda Cadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.