Hot Topics

Cutubyo kamid ah Ciidanka Puntland oo tababar loogu soo xiray Godod (VIDEO)

Ciidamada daraawiishta dawladda Puntland mudo tababar uga socday Dugsiga Gen (CARAYS) ee Godod ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta loo soo xiray.

Xaflada soo afmeerida Tababarka waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Maaliyadda oo ay waheliyaan Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Duqa degmada Gaalkacyo, Taliyaha qaybta Gobolka, Masuuliyiinkale iyo Bulshada deeganka Godod.

Ciidamada ayaa soo bandhigay Casharadii dhanka Ciidamada ee ay qaateen waxana salaan ka qaatay Taliyaha Ciidamada daraawiishta Gen Yaasiin Cumar dhere.

Ciidamada daraawiishta ee Tababarka loo soo xiray ayaa loo bixiyay Guutada (BIR-JEEX) sida uu munaasabadaasi uu ka sheegay Taliyaha Ciidamada daraawiishtu.