Hot Topics

Markab laga lee yahay Israel oo lagu weeraray xeebaha Imaaraadka

Sida laga soo xigtay warbaahinta Lubnaan iyo Israa’iil, Markab laga leeyahay Isra’iil ayaa lagu weeraray gacanka Beershiya gaar ahaan xeebta Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta Lubnaan oo xiganeysa ilo aan la magacaabin ayaa sheegtay in markabka oo lagu magacaabo “Hypern” oo ka diwaan gashan Shirkadda “PCC” ee laga leeyahay Isra’iil, lagu bartilmaameedsaday meel u dhow dakadda Fujairah  ee dalka Imaaraadka Carabta.

Kan channel oo ah warbaahin ku hadasho afka Israa’iiliyiinta ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen ciidamada Iiraan, kuwaa oo Markabkan la beegsaday gantaal laga soo ganay markab dagaal ama diyaarad Drone ah, iyaga oo intaa ku daray in weerarka uu dhacay shalay.

Milkiilaha markabka la weeraray oo lagu magacaabo Rami Ogner, ayaa wargeyska Yedioth Ahronoth usheegay in markabka markii la weerarayay uusan joogin gudaha dekedda Fujairah ee Imaaraadka, laakiin uu ku sugnaa agagaarka dekedda.

Weerarka Markabkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo laga leeyahay Israa’iill oo lala beegsado weerar muddo ku siman bil iyo bar.