Hot Topics

Madaxweyne Deni oo sabtida hortagaya Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa in sabtida soo socota uu hortago Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, si uu Warbixin uga siiyo xaalada cakiran ee Dalka iyo kulamadii uu Muqdisho uga qeybgalay.

Madaxweyne Deni oo maalin ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe, kaddib muddo bil ah oo uu ku sugnaa Muqdisho oo uu joogay wada-hadalada dhameystirka heshiiskii Doorashooyinka oo uu fashiliyay, sidoo kalena muddo kordhin uu sameystay.

Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa haatan wada kulamo uu la yeelanaya Golaha Xukuumadda Puntland, Siyaasiyiinta, Isimada dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee haldoorka deegaanada Puntland, si uu la tashiyo ula sameeyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu Mowqifka iyo go’aan marxalada cusub ee dalku galay uu uga dhawaaqo Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.