Hot Topics

Farmaajo oo ka baqay weerarka Saadiq Joon, Saraakiisha Ciidanka oo ku kala qeybsamay

Ciidankii Dowladda ee caawa la dul-geeyay aagga Xaafada Shiirkole oo uu degay Jen. Saadaq John ayaa goordhow la soo celiyay, kaddib waan waan iyo dadaalo socday oo lagu joojinayay xiisada dagaal ee ka taagneyd qeybo ka mid ah degmada Hodan.

Dadaaladan ayaa waxaa ku jiray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo saraakiil kale oo kulamo la yeeshay Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo weli socdaan waan waantaas.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in caawa fiidkii intii dowladdu diyaar garow ugu jirtay weerar lagu qaado Jeneraalka ay ku kala qeybsameen Saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaarkood ka biya diiday inay hoggaamiyaan weerarka.