Hot Topics

Xasan Sheekh iyo Shariif oo isaga guuray guryahoodii, cabsi dagaal

Madaxweyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ka guuray guryihii ay daganaayeen ee aagga garoonka Muqdisho, waxayna dageen waqooyiga gobalka Banaadir.

Xasan Sheekh ayaa dagay nawaaxiga mirinaayo oo dhinaca kaaraan ah, halka Sheekh Shariif uu maanta u guurayo aagga Fagax, waxaana jira warar kale sheegaya in Xasan Cali Kheyrre iyo CC Warsame ay iyagana dagayaan goob kale oo xaafadaha magaalada ah.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib xiisad ka dhalatay muddo korarsiga uu sameestay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo cabsi amni oo xalay ka jirtay Muqdisho.