Hot Topics

XOG: Sidee Midowga Musharixiinta ay u qeybsadeen xaafadaha Magaalada Muqdisho ?

Midowga musharaxiinta oo isku qeebiyay qabashada qeeba ka mida Muqdisho, iyadoo mid kasta oo kamid ah xubnaha Midowga loo diray qabashada Xaafad kamid ah Caasimadda.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii Farmaajo uu muddo labo sanno ah oo muddo kordhin ah uu sameystay, ayna Caalamka u aqoonsaday hoggaamiye kooxeed.

Halkaan Hoose ka Akhriso sida xubnuhu u qeybsadeen xaafadaha Muqdisho.

Sheikh shariif iyo General Koronto waxaa loo xil saaray in ay la waregaan xaafada Fagax uu maanta u guuray isaga iyo ciidankiisa.

Saadaq John iyo Xildhibaana ku heeb ah waxaa loo xil saaray dagmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Hassan Sheikh oo wata ciidanka Taliye Jamaal Isma’il isagana waxa uu hada u guuray dagmada Kaaraan balse waxa loo xil saaray Abdiaziz iyo Kaaraan in ay la wareegaan.

Abdirahmaan Abdishakur waxa laga raba isna in uu la wareego KM4 ilaa iyo xaafada Seebiyaano.

Isgooska Jubba waxaa loo xil saaray Xildhibaan Osoble oo ka mida Baarlamaanka Somalia isaga oo garab ka helaayo mid ka mida Generalada Beeshuisa ka soo jeedo.

Xassan Cali Kheyre oo wata Saraakiil iyo Ciidammo ku heyb ah loo diray Dayniile.