Hot Topics

Farmaajo oo ku Guul-dareystay inuu la kulmo Madaxweynaha Jabuti iyo Kenya

Madaxweynaha Xilku ka dhamaday Farmajo ayaa muddo dhowr casho ah isku dayeyey inuu la kulmo Ismaaciil Omar Geelle,si uu uga helo taageero shirka AU ee ka socday Waddanka Congo.

Madaxweyne Ismaaciil,ayaa diiday kulankaas oo yiri waxaan ahay oday Somaliyed, waxaan ahay ninkii idin heshiisiin lahaa. Sidaas awgeed, madaama aad Doorashada ku qaban weyday wakhtigeeda kulan kulama qaadan karo.Dhinaca kale, Farmaajo,ayaa ka codsaday Madaxweynaha Congo in uu dhex dhexaadiyo Somaliya iyo Kenya.

Mar kale,ayaa waxaa diiday Madaxweynaha Kenya oo yiri madaama Farmajo uusan lahayn mandate siyaasadeed lama fariisan karo.Sidoo kale, EU iyo UK,ayaa u sheegay ururka AU in aan Farmaajo iyo Dowladiisa la siin karin tixgelin gaar ah ama taageero siyaasadeed madaama uusan ku fadhiyin sharciyad.

Farmaajo,ayaa ku guul dareystay in uu ka helo shirka AU wax guul siyaasadeed ah.Qoraalka Shirka,ayaa la filayaa inuu ku baaqo wadahadal iyo in lagu laabto Teendhada Xalane.

Jibril Qoobey.