Hot Topics

Rooble oo amray in talaabo laga qaado cidii ka dambeysay dagaalkii garoonka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Xukuumadda Rooble ayaa sheegay inay tilaabo ka qaadi doonaan dadka ay ku cadaato inay qeyb ka qaateen shaqaaqadii maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Aanaga oo fulineyna amarka madaxweynaha iyo kan ra’iisal wasaaraha waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doon acid walba oo ay ku cadaato in ay qeyb ka aheyd shaqaaqadii ka dhacday garoonka” ayuu yiri Wasiir Xundubey.