Hot Topics

Ciidanka PMPF Puntland oo howlgallo ka sameeyay buuraleyda Calmadow

Ciidanka PMPF Dowladda Puntland ayaa howlgallo la xariira xoojinta Amniga iyo Sahaminta xogaha argagixisada ka fuliyay deegaanka Xiji-Eynaad oo ka tirsan buuraleyda Calmadow, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Facebook Ciidanka PMPF.

Sidoo kale, Ciidanka PMPF ayaa howlgallo kale oo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay deegaanada Dhadhabo, Dhagcaan, Beeraha Shibis iyo Bacaadweyn, waxaana ay kulamo la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ciidanka PMPF Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada, burcadbadeeda, Jariifka, Mukhaadaraadka iyo wixii lamid ah.