Hot Topics

Diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Puntland oo ka bilaabatay Ufeyn (Sawirro)

Diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ka bilaabatay degmada Ufeyn ee Gobalka Bari, Boqolal Shacab ah ayaana u dareeray inay is-diiwaangaliyaan si ay u soo qaataan kaararka codbixinta, una soo doortaan dhowaan Maamulka heer degmo.

Degmada Ufeyn ayaa noqonaysa degmada Saddexaad ee ay ka bilaabatay diiwaangalinta codbixiyaasha doorashooyinka Golayaasha deegaanka oo si horudhac ah loogu qabanayo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, diiwaangalinta ayaana socon doonta muddo labo todobaad ah.