Madaxda iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyay hoygiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka, wasiiro iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Koofur Galbeed.

Kulankan qadada ayaa ku yimid kulamo iyo wadatashiyo si gaar gaar ah u yeesheen Mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta horay xilalka u soo qabtay, waxaana uu ahaa mid looga hadlay siyaasadda guud ee dalka, masiirka deegaanada ay ka soo jeedaan iyo sidii mad madowga siyaasadeed ee dhexdooda meesha looga saari lahaa, marxalada hadda lagu jirana looga gudbi lahaa isku duubni iyo midnimo.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.