Hot Topics

C/raxmaan C/shakuur “Is-ogolka waxaa diida kooxo magac qabiil, iyo diin ku abaabulan”

Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in is-ogol siyaasadeed oo kaliya uu Soomaaliya u keeni karo Xasilooni siyaasadeed iyo siyaasad loo dhan yahay.

Halkaan hoose ka akhriso Qoraalka Abdirahman Abdishakur Warsame.

Is-oggol siyaasadeed ayaa keeni kara xasillooni siyaasadeed. Is-ogolku wuxuu kaloo horseedaa siyaasad loo dhan yahay, laguna dhan yahay. Sanado badan dalkeenu wuxuu la daalaa dhacayaa siyaasad maquunis iyo barabixis ku dhisan, taasoo sababtay in siyaasaddu saldhigi wayso.

Is-ogolka waxaa diida kooxo magac qabiil, diin iyo danaysi ku abaabulan, kuwaasoo tijaabiya meelmarinta fikir cariiri ah iyo danaysi gaaban, oo inna seejiya dhaxal waaya aragnimo (transfer of experiences) iyo xusuusta hay’ado dowladeed (institutional memory).