Hot Topics

Puntland oo fasaxday isticmaalka Lacagta danabeysan ee ka yar $1 (VIDEO)

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in la fasaxay isticmaalka Lacagta danabeysan ee la isugu diro Taleefoonada, taas oo ay horey u joojisay in la isku diro wixii ka yar $1 dollar.

Shir jaraa’id oo uu goor-dhaweyd ku qabtay magaaladda Garoowe Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Hon Cabdi Qowdhan Warsame, ayuu ku sheegay in la fasaxay isku dirka lacagta danabeysan ee ka yar $1, oo horey loo joojiyay.