Hot Topics

Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis cusub kala saxiixday (VIDEO)

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kala saxiixday magaaladda Muqdisho heshiis ay Labada dal isku dhaafsanayaan Kalluun iyo Qaad, iyadoo diyaaradaha qaadka ka keena Itoobiya ay Kalluunka qaadi doonnaan.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya iyo Safiirka Itoobiya ayaa Garoonka Aaden Cadde ku kala saxeexday heshiishkan, waxaana isla maanta Dawladda Soomaaliya ay u dhoofisay Itoobiya labaatan kun oo Tan oo Kalluun ah.

Heshiiska ayaa waxaa horey u gaaray Puntland iyo Itoobiya. Ganacsatada Puntland ayaana haatan Kalluun fara-badan geysa Dalka Itoobiya.

Idilnews